nazir
30-08-15


Kooxda wadanka Jarmalka ee Bayer Munich ayaa xaqiijisay in daafaceeda dambe ee Dante uu ku biiray kooxda ka dhisan isla wadanka Germany Wolfsburg.

Warar waxaa jira oo sheegayey in xidigaan uu ka tagi doono kooxda, kadib markii laga waayay saweirka xidigaha kooxda todobaadkii hore, wakiilkiisna waxaa uu sheegay in xidiga uu bixi karo.

Barta Twitterka ee kooxda Munich ayaa lagu sheegay in Dante uuku biiray kooxda Wolfsburg.

”Waad ku mahadsantahay wax waliba ad u qabatay kooxda, Dante waxaa uu ku biiri doonaa kooxda Wolfsburg.

Dante ayaa Bayer kaga soo biiray dhanka iyo kooxda Borussia Monchengldbach sanadii 2012, waxaana uu kamid noqday laf dhabarta kooxda isagoona kula guuleestay horyaalka wadankaasi iyo Champions League.

Send Message

Related ads